Ciidamada DF oo qaab qabiil ugu dagaalamay Degmada Hodan ee Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka ayaa Dagaal ku dhex maray Magaalada Muqdisho Dagaalka oo ah Dagaal Beeleed.

Laba Qoys ayaa waxay isku qabsadeen Dhul ku yaal Degmada Hodan, Dhulkasoo la xaqiijiyey in labada Qoys uusan midkoodna lahayn.

Qoys walbaa wuxuuvsoo kaxaystay Ciidan la Beel ah oo ka tirsan kuwa Dowlada iyo Waxayna ku labisnaayeen kuna hubaysnasyeen Agabkii Ciidamada Dowlada.

Dagaal culus oo dhimasho iyo Dhawaca leh ayaa halkaas ka dhacay ugu yaraan 8 Qof oo rayid ah ayaa iyana waxaa haleelay Xabadihii la isweydaarsanayay, waana dhawac.

Inkastoo hada Dagaalku istaagay hadana waxaa laga cabsi qabaa in markale La iskusoo lasbto, waayo Beelaha mid kamida ayaa waxay dalbadeen Gurmad.

Ciidamadaan Dagaalamaya waxay kawada tirsan yihiin Ciidanka Dowlada, waxaana kamid ah qaar lagusoo bababaray Dalka Dibadiisa.

Puntlandi.com
Muqdisho

<