War Deg Deg Ah— Xisbiyada Mucaaradka oo soo dhaweeyey Sharciga Doorashooyinka ee Baarlamaanku ansixiey

Sharciga Doorashooyinka ee Baarlamaanku ansixiyey ayaa waxaa soo dhaweeyey Siyaasiyiinta- iyo Xisbiyada Mucaaradka iyagoo tilmaamay in loo bahan yahay in Aqalka Sare uu ansixiyo.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Madasha Ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah Xisbiyada iska markaasna ah Xildhibaanada Mucaaradka ayaa soo dhaweeyey Sharciga wuxuuna Aqalka sare ka codsadey inay dedejiyaan meelmarintiida, Madaxweynahana wuxuu ka dalbadey inuu deg deg u saxiixo.

Sharcigaan maanta la meel mariyey ayaa waxaa qodobobkamifa ka hor yimid Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada balse Gudiga dib u eegista Baarlamaanka oo in mudo ah haystay Sharciga ayaa waxay kasaareen inta badan qodobadii lagu muran sanaa.

Qodobada laga saaray waxaa kamid ah In Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah, waxaa kaloo laga saaray Qodobka Xilka u kordhinayay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Puntlandi.com
Muqdisho

<