Sawirada Ardeydii ku nafwaayay Qarixii saaka ee Ex Kantaroolka Afgooye oo la shaaciyey

Ku dhowaad 30 ardey oo saaka Waxbarasho usoo kalahay ayaakamid ahaa Dadkii lagu xasuuqay Kantaroolkii hore ee dhanka Afgooye Magaalada Muqdisho.

Sawirkaan hoose wuxuu kamid yahay kuwa muujinaya In Xasuuqa lagu hayo Caruurta Soomaaliyeed aysan jirin Masuuliyiin ka danqanaysa, Beri markii la gaaro waa la iska ilaawayaa dhacdadaan oo kale, Madaxda Dalka ma jiro mid ku dhaca inuu Masuuliyadeeda qaato.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish isagoo dul taagan Meydadka Dhalin yaradaan ayuu yiri “ Waxaan u mahad celinayaa Ciidanka oo is hortagay qaraxaan, waxaa hubaal ah in Qaraxaan uu Muqdisho u socdey si loogu wax yeeli Masuuliyiin MUHIIM ah.

Waa nasiib darada heysata Shacabka Soomaaliyeed Masuuliyiintii Amaanka masuulka ka ahaa ayaa saan u hadlaya, Yaa weeye kuwa uu Gudoomiyuhu sheegayo ee ka muhiimsan Curdanka iyo Mustaqbalka Dalka, 30 ardey oo 16 jir ilaa 23 jir u dhexeeya Meydkooda ayuu dul taagnaa markuu saas ku khudbaynayay.

<