Madaxweyne Farmaajo oo ka hadley Weerarkii Ex Afgooye Kantarool kana tacsiyeeyey

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal kooban wuxuu ka yiri weerarkii maanta ka dhacay Ex Afgooye Kantarool, isagoo tacsi udiraya Eheladii Dadkii ku geeriyooday weerarka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun… Maanta waa maalin murugo oo muujineysa sida argaixisada iyo Cadowgu ay bartilmaama daystaan shacabkeenna.m, waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo oo murugo ka muuqato wajigiisa ayaa laamaha Xukuumada wuxuu faray inay u gurmadaan Dhawacyada.

Puntlandi.com
Garowe

<