Garowe Hal Habeyn ayaa Gardafuu loo ururiyey in ka badan USD 250,000, kaalinta Qurba joogtaa dhiman

Munaasabad si toosa loosoo tabinayay oo gurmad loogu ururinayay Gobolka Gardafuu ayaa waxaa caawa ku daahfuray Garowe MadaxweyneXigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash.

Madaxweyne Xigeenka ayaa indhihiida kusoo arkay todobaadkaan Gobolka Gardafuu oo Roobab lixasdleh ay ku horeen, Roobabkasoo burburiyey wadooyinkii, Sababayna in Gobolku uu ka go”doon uu noqdo.

Barnaamijkii tabaricaadka ee Caawa sida tooska sh loosoo tabinayay ayaa lagu ururiyey Aduun gaaraya 250,000 oo dollar.

Tani waxay muujineysaa in Puntland ay iyadu isku filan tahay, ayna isu gurmadaan narkey baahi timaado.

Nadaxweyne Xigeenka oo soo xiray Barnaamijka ayaa wuxuu qaylo dhan u diray Qurba joogta Reer Puntland isagoo ka codsadey iney kaslintooda qaataan sidii caadada u ahayd.

Dhanka kalena Madaxweyne Xigeenku wuxuu yiri “ Hadaan Xukuumada nahay Waxaan balan qaadeynas in Wadooyinkii roobabku ay burburiyeen AaB’s i dhakhdo ah u furno waxaana ka dhigeynas kuwo tayo leh oo aan mardambe dhibkaan soo gaarin”

Mudane Karaash wuxuu todobaadkaan booqdey Gobolka oo Shacabku ay bashi badan qabeen wuxuuna gaarsiiyey kaalmo ay Dowlada Puntland ugu gurmatay Gobolka.

Puntlandi.com
Garowe

<