Faahfaahin Qaraxii EX Afgooye Kantarool oo lagu hoobtay, Qaraxa waxaa loo waydey Gudaha Muqdisho, Dhimashada 85 Qof, Dhawaca 190 Qof

Qarixii saaka ka dhacay Ex Kantarool Magaalada Muqdisho wuxuu ahaa mid lagasoo buuxshay Gaariweyn oo Xamuul, waxaana lagusoo Waramayaa in ay u badan tahay in Qaraxa uu u qarxay si qalad, balse Targetku uu ahaa meel kale oo bartamaha Muqdisho ah.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com u xaqiijiyeen Dad goob jooga ahaa Dadka geeriyoodey badankoodu waxay saaraayeen Gawaari maraysay Wadada, 23 ardey oo Jaamacada u socda ayaa Bus ay saaraayeen ay dhamaantood geeriyoodeen.

Gaariga Qaraxu ka buuxay wuxuu ku dhex qarxay wadada xili jidku aad mashquul u yahay, Waxaana loo badinayaa in Qaraxa loo waday Gudaha Muqdisho laakiin Lama oga sababta keentay inuu ku Qarxo Ex-Kantarool.

Dhimashada rasmiga ah Lama hayo ilaa hada waxaase Puntlandi.com loo xaqiijiyey 85 Qof oo ay kamid yihiin 23 Ardey, 11 Ciidanka Dowlada oo Booliska u badan , 3 Ajnabi ah laba Turki ah iyo Nin Eeshiyaan ah, gaari caadi ah oo ugu yaraan 15 Qof saaraayeen oo rayid ah iyana waa geeriyoodeen.

Dhawaca waxaa lagu qiyaasay 200 iney kor u dhaafayaan.

Xukuumada Federaalku wali kama hadal dhacdadaan, Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha midna Shacabka Lama hadal.

Baarlamaanku waxay ku mashquulsan yihiin ka doodida Hindisaha Doorashada, waxayna ku mashquulsan yihiin sidii ay Wakhtiga u kororsado lahaayeen.

Inaaa lilaahi wa innaa ilayhu raajucuun

Puntlandi.com
Muqdisho

<