Faahfaahin Qarax ka dhacay Ex Kantarool Afgooye

Qarax Xoogan oo khasaare geystay ayaa wuxuu saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho, Kantaroolkii hore ee Afgooye ayuu Qaraxa ka dhacay.

Dhimashadu waxay maraysaa 34 Qof oo laba Injineer oo Turki ah ay ku jiraan,dhawaca ayaa iyana marayaa 119 Qof sida loo xaqiijiyey Puntlandi.com

Labada Injineer oo Turkiga ah waxay kamid ahaayeen kuwa wadada dhisa, waxaana la geeriyooday Askartii ilaalada u ahayd.

Dadka geeriyooday waxay u badan yihiin Ardey Jaamacada dhigta iyo Dad rayid ah.

Puntlandi.com
Muqdisho

<