DEG DEG : – Daawo Fadeexada Taliyaha Booliska Somaaliyeed Jeneral Xajaar oo ku amraya Duqa Caasimada Cumar Finish in aan sheegin tirada Dhimashada iyo Dhaawaca

Taliyaha Booliska Somaaliyeed Jeneraal Xajaar ayey maanta Camarada Warbaahintu qabtay isagoo ku amraaya Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Cumar Finish in uu qariyo oo aanu sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca Shacbigii Somaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxii Argagixisadu maanta ka geysteen nawaaxiga Ex-Kantarool Afgooye.

Dhaqanka uu muujinaayo Jeneraal Xajaar ee uu ku amraayo Duqa Caasimada Cumar Finish in uu qariyo waxyeelada soo gaartay shacbigisii uu isagu masuulka u ahaa ayaa ah fal Cadawnimo iyo Axmaqnimo ka muuqato.

Siyaasada Dalka iyo Dadka lagu dhaqo ayaa ah midaa majara habaabinta shacbiga, ee uu ku hadaqaayo Jeneraal Xajaar.

Halkan ka daawo Amarkii uu Jeberaal Xajaar uu siiyey Duqa Caasimada Mudane Cumar Finish

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<