Daawo Waa Masiibo Qaran : – Xooggaga Wadaniyiinta ee ay hogaamiyaan Generaal Shub , Jeneraal Meyd Qariye, Jeneraal Cabdirxmaan Guulwade iyo Fahad Yasiin

Somaalidu waxay tirahdaa ” Aan ku bartee, Saaxiibka i tus ” Magacaabida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay Taliyaha Ciidaka Asluubta Somaamliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ( Jeneraal Shub ) oo ah Shakhsi aan waligiis Darjo iyo Aqoon Hogaamineyd yeelan, isla markaana khibrad u laheyn culuyska iyo Masuuliyada uu leeyahay Xilka Taliska Asluubta Somaaliyeed waa Khiyaamo Qaran


Jeneral Mahad Cabdiraxmaan ( Jeneral Shub )

Sidoo kale wuxuu Madaxweynahu u si Indho la’aan ah ugu magacaabay Taliska Ciidanka Booliska Somaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar (Jeneraal Meyd Qariye )oo ahaa Sarkaal hore uga tirsanaa, waxna ku bartay Hayadii Fasasdka,Dulmiga iyo Dhagarta badneyd ee Nabad Sugida Xiligii Madoobaa ee Xukunkii Askartii Kacaanku Dalka iyo Dadka Somaaliyeed Dulmiga ka wadeen.

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ( Jeneraal Meyd Qariye )

Oday Somaaliyeed baa laga hayaa ” Wallee Ciridkaan u jeedo,Ilko kamo soo muuqdaan ” Magacaabida u Madaxweyne Farmaajo sameynaayo iyo markaad eegtid Shaqsiyaadka ku hereeraysan ee uu ugu horeeyo Generaal Cabdiraxmaan Guulwade iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka ( Mulkiilaha Dawlada ) Fahad Xaaji Yasiin waxaa kuu soo baxaysa in Dalkan iyo Dadkan Waxyeeladiisa loo soo maryo dhigtay, oo gacan Cadow ah oo naxariis darani Taladadii Dalka ay Gacanta ku hayaan.


Taliyihii Ciidankii Guulwadayaasha CIIL-QABE Jeneral Cabdiraxmaan Guulwade

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mudo xileedkiisi ku dhameystay Maaweelo iyo Ruwaayado ay u jilayaan Kooxaha la baxay ” Wadaniyiinta Somaaliyeed.”

Dadka dhaliila Madaxweyne Farmaajo ayaa ku timaama in Madaxweynuhu u muuqdo Shaqsi maahsan oo aan inaba dhaayo u laheyn xaqiiqada Siyaasadeed,Amni,Bulsho iyo dhaqaale ee ka jirta Dalka Somaaliyeed ee uu ku magacaaban yahay Masuulka ugu sareeya, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu duraa in aanu Tusaale iyo Cashar fiican ka qadaan Taariikhada iyo Asbaabtii ay ku burburtay Dawladnimadii,Nabadgalayadii iyo Walaaltinimadii waayo ka dhexeyan jirtay Umadda Somaaliyeed.

Sida Taariikh-yahandu qori donaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mudo xileedkiisa ku dhameysan doono isagoo la rafanaaya Mawjado Siyaasadeed iyo Xiisado is fahmi waa ah uu oo isagu dalka ka abuuray,Caadifad iyo Uur ku taalooyin qabiil oo uu qabo Beelaha Somaaliyeed Qaarkood.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xusuusan donaa la dagaalanka,burburinta Maamul Goboleedada Somaaliyeed iyo Nidaamka Federaalka ah. Wax ka qabasho la’aanta Nabdgalyada Shacbiga iyo fashilka ku aadan qorshaha Siyaasadeed ee la dagaalanka Aragagixisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbeyn Taariikhdu ku sunti doontaa inuu yahay Maasuulkii ugu horeeyey ee Somaaliyeed ee isagoo Xukunka Dalka gacanta ku haya isu dhiiba, isla markaana gacanta u galiya masiirkii iyo madaxbanaanidii Siyaasadeed ee Dalka Dawlado shisheeye oo ay ugu horeeyaan Dawlada Qatar iyo Ethiopia.

Halkan ka daawo Fadeexada labda Masuul ee Generaal Shub iyo Jeneraal Meyd Qariye

Daawo Jeneraal Shub.

<