Breaking News— Baarlamaanka oo Meelmariyey Sharcigii Doorashada oo ay wax ka badaleen, Farmaajo iyo Xaliima Yarey oo Qorshohoodi la tuuray

Hindisaha Doorasheedkii ay soo gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka oo ay Baarlamaanku farafareeyeen ayaa la meel Mariyey.

Qodobada ugu muhiimsanaa ee Madaxweyne Farmaajo iyo Gudiga KMG ee Doorashooyinka ay wateen ayaa la badalay, waxayna Gudiga Baarlamaanka ee dib u eegista Sharcigaan ay ku sameenayey Isbadal, Sharciga ay qashinka ku dareen waxaa kamid ah qorshihii Dowlada ee ahaa Qof iyo Cod , waxay kaloo qashinka ku dareen Qodobka saamaxayay in Xilka la kororsado ee dhigayay in Mudada Madaxweynaha ay noqoto 5 sano, wixii hada ka dambeeya, Qodobkaas waa la tuuray waxaana loo daayay sida ku cad Qodobka 60 aad ee Dastuurka oo qoraya oo ah 4 sano.

Qodobkii Qof iyo Cod waxaa lagu badalay qodob Codbixin oo wadada u xaaraya nidaamkii 4.5, waana nidaamka ay wateen kooxda Raysal wasaaraha.

Hindisahaan la meel mariyey waxaa si weyn uga caroon doona Xaliima Yarey, Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdooda, waayo Gudiga Basrlamaanku waxay qashinka ku dareen Qodobadii Gudiga Doorashooyinka soo jeediyeen badankooda.

Maamul Goboleedyada qudhoodu Way diidanaayeen Hindisaha, inkastoo Baarlamaanku wax ka badalay Hindisihii loo soo gudbiyey hadana waxayna u muuqataa in Maamul Goboleedyadu ay wali kabiya diidi doonaan Qodobka wadada u xasraya 4.5,

Madaxweyne Saciid Deni ayaa Arbacadii wuxuu ka digay in Nidaamka 4.5 laga dhigo sharci Doorasho.

Wali macada qaabka wax loo badalay laakiin Warbaahinta Puntlandi.com ayaa xogta ku heysa intaas aan kor ku xusnay.

Puntlandi.com
Muqdisho

<