Madasha Xisbiyada oo Walwal ka muujinaysaa Hindisaha Doorashada ee Baarlamaanka horyaal

Kulan ay caawa yeesheen Madasha ay Xisbiyada Qaarkood ay ku mideysan yihiin ayaa looga hadlay Hindisaha Doorashada ee ay Baarlamaanku ka doonayaan beri oo sabti ah.

Hindisaha Doorashada waxaa kamid ah qodob horseedaya Mudo kororsi, waana Qodobka ay ka biya diidan yihiin Xisbiyadu waxayna soo jeediyeen in Qodobkaad la laalo lagana saaro Hindisaha.

Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Dalka oo Madasha ku matalayay Xisbiga uu hogaansho ayaa sheegaya in Hindisahaan uusan ahayn mid ka turjumaya Xaalada Dalku marayo, wuxuuna digay in Dalka loo horseedo Xaalad uusan qaado Karin iyo khalkhal Siyaasadeed.

Hindisaha Doorashada ee horyaal Baarlamaanka waxaa gabi ahaanba horay u diiday ugana horyimid Maamul Goboleedyada Iyo Xisbiga Wadajir.

Sawirada hoose waa kulankii caawa ay yeesheen Madasha Xisbiyada Qaran, oo ah Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada qaarkood

Puntlandi.com
Garowe

<