Hotel Skylight ee Magaalada Adis Ababa oo noqdey kan ugu weyn Afrika

Hiigsiga 15 ka Sano ee Horumarinta dhaqaalaha Itoobiya ayaa ah Gobolka Dalka Itoobiya, Malaayiin Dollar ayay Itoobiyaku maal galisay riyada ah in 2025 uu dhaqaalaha Itoobiya sare u Bilyanis Dollar, Goolkuna waa in isla sanadkaas ay Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ay noqoto mida hogaaminaysa Afrika oo idil.

Shirkada Diyaaradaha Itoobiya ee Ithopian Airlines ayaa kamida Shirkadaha Maalgalinta badan la galiyey,mana aha Duulimaadyada kaliya waxyaabaha Xooga la saaray ee waxaa kamid ah Dhismaha Hotelka ugu weyn Afrika oo Adis Ababa laga hirgaliyey, Sare u qaadida tayaynta Shaqaalaha si loosoo jiito indhaha Dalxiisayaasha.

Hotel Skylight wuxuu daqiiqado socdo ah u jiraa Garoonka Diyaaradaha Bolla International ee Magaalada Adis Ababa,wuxuu yeelanayaa in ka badan 1000 qol oo jiifa wuxuuna leeyahay ugu yaraan 5 Khaayadood oo casri ah ayna kamid tahay Chines Restourent,Makhasyad laga helo cunada Itoobiya iyo Makhaayado caadi ah.

Esayas Woldermariam Hailu- Chief Commercial Officer of Ethiopian Airlines Group

Sida laga soo xigtay Esayas Woldermariam Hailu oo ah Madaxa Suuqa Ganacsiga ee Shirkadda Ethiopian Airlines Group “Tani waa qaab lagu qaabili karo ama lagu Dhiirrigelin karo Shirarka Caalamiga ah, soona jiidan kara Shirarka iyo Dhacdooyinka waaweyn in ay yimaadaan Laguna qabto Itoobiya iyo sidoo kale waxay soo jiidaneysaa dalxiisyada ”

Esayas Woldermariam isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “ Hoteelku wuxuu leeyahay qolal cajiib ah oo nu jeeda aragtida magaalada oo aad u qurux badan inta badan qolalka Waxay kaloo leeyihiin 3 maqaayado raaxo leh – Makhaayadda Cunnada Maalintii oo dhan, maqaayadda ugu weyn Shiinaha ee Bariga Afrika, iyo maqaayad dhaqameed Itoobiyaan ah, iyo baarar. Hool weyn iyo hoolka wajiga hore ayaa aad u ballaaran oo ku filan kulammada bulshada iyo ganacsiga”.

Puntlandi.com
Garowe

<