Isrealian badan oo Yurub lagu xiray iyagoo Jaad soo galinaya

halkii xabo oo Jaad ah waxay u dhaxaysaa 100 USD ilaa 70 Doolar.

Dowlada Israel ayaa shaacisay in boqolaal Qof oo u dhashay Israel ay ku jiraan Xabsiyada Yurub sababtoo ah waxaa lagu qabtay iyagoo jaad soo galinaya.

Wasiirka Arimaha Bulshada Israel Gilad Erdan ayaa wuxuu sheegay in Soomaalida Yurub ee Qaadka ka Ganacsade iyo kooxo Yahuud ah ay isku xirmeen si qaadka loosoo Maribo Isreal kadibna Dad Isrealian ah ay Yurub usoo gudbiyaan.

“Waxaa Yurub lagu qabtay boqolaal Yahuud ah oo Boorsooyin Jaad ah sida, Qof Reer Isreal ah ayaa toban sano lagu xukumay isagoo Jaad u gudbinaya Yurubta Galbeed” waxaa sidaas yiri Gilad Erdan.

Qaadka ayaa gabi ahaan wuxuu manuuc ka yahay Yurub , waxaase lagusoo galiyaa si dhuumasho ah, halkii xabo oo Jaad ah waxay u dhacaysaa 100 USD ilaa 70 Doolar.

Wasiirka Arimaha Bulshada Yahuud wuxuu sheegay in ay hada ka shaqaynayaan in Jaadkamanuuc laga dhigo Isreal.

Puntlandi.com
Yurub

<