Breaking News— Doorashada Soomaaliya ee Soosocota waxaa habraaceeda go’aaminaya Saamilayda Siyaasada

Xog muhiim ah oo ay Warbaahinta Puntlandi.com ay la wadaageen ilo Dublamaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Dhowaan ay bilaabanbdoonaan kulamo Siyaasadeed oo Xasaasi ah kuwasoo dhex Mari doona Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada qaarkood, Xisbiyada Qaarkood iyo Beesha Caalamka.

Kulamadaas waxaa looga Arinsanayaa Siyaasada Dalka iyo qaabka loo wajahayo Doorashada soo socota,

Dublamaasi sare oo aad ugu dhuun daloola Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ayaa sidaan soo socota yiri ..

  • Qaabka ay Xukuumadu wax u waydey ayaa ah mid waqtigan la joogo loo arko riyo iyo Boob Siyaasadeed, laakiin waxaa ladoonayaa in xilli hore meesha laga saaro Wakhti lumin iyo Wadada Saxda ah oo laga leexiyo Dastuurka iyo Doorashada sababta oo ah hogaamiyaasha qaar ayaa wali doonaya in ay Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay warwareejiyaan iyagoon  Dal iyo Dadba aan gacan ku heyn, waxayna caado ka dhinteen iney yiraahdaan Ergayga  aad waxbadan maqasheen  oo ah “Waxaana nahay Dowlad Madax banaan oo iyadu aayeheeda ka tashaneysa,   Ugudambeynse, qaabka doorashada ee loo adeegsanayo doorashada soo socota ayaa noqon doonta wax alla wixii saamileeydu go’aansadaan , Saami leyda rasmiga Arina waa Xisbiyada La yaqaan ee hada jira iyo Maamul Goboleedyada Sharciga ah.

Warbaahinta Puntlandi.com waxay ogaatay in Dadaal xoogan uu hada socdo Kasi oo lagu doonayo in meel la isugu keeno ra’yiga ugu haboon ee Doorasho uga dhici karto Dalka, waxayna u muuqataa in talada laga fara marooqsan doono Dowlada Federaalka iyo Baarlamaan kaba .

 

puntlandi.com

Nairobi

<