Afhayeenka Madaxtooyada Puntland oo eedeyn dusha uga tuuray Xukuumada Federaalka

Xili uu soo gabagaboobay Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ayaa Afhayeenka Madaxtooyadu Jamac Dabaraani wuxuu ka warbixinayay Waxyaabihii Shirka looga hadlay.

Kadibna wuxuu Afhayeenku uu Dowlada Federaalka ku eedeeyey inay Dagaal kula jiraan Nidaamka Waxbarashada Puntland ayna Xukuumadu Federaalku waraaqo u dirtay Wadamadii ay Puntland Xiriirka Waxbarasho la lahayd sida Masar, waraaqahaasoo lagu hor istaagayay Xiriirka Waxbarasho ee Puntland la leedahay Masar.

Sadex bil ka hor ayay ahayd markii ay soo Baxdey in Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federaalka Goodax Bare uu Dadaal ugu jiro inuu Nidaamka awaxbarashada Puntland uu isagu maamulo xiligaasoo Dowlada Puntland aysan jawaab wanaagsan aysan siin, Eedeynayaan cusub wali Wasaarada Waxbarashada Puntland kama aysan hadal, Afhayeenku isna ma uusan faahfaahin cida ka dambeysa falkaan.

Waxaase jira Shaqsiyaad ku sugan Villa Soomaaliya oo jabeen iyo maalin u taagan hagardaameynta Puntland iyo shacbigeeds kuwasoo aan lahayn awood weyn oo ay Dagaal noocaas ah kula galaan Puntland.

hoos ka dhagayso hadalkii Afhayeenka

Puntlandi.com
Garowe

<