Nin rayid ah oo Bosaso lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Cismaan Axmed Askar oo kamid shaavshacabka Magaalada iyadoon la ogayn sababta keentay Dilka Marxuumka.

Ehelada Marxuumka ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in Dilkiisa iyagoo sheegay in uusan wax shaqo Dowladeed ah uusan hayn oo uu ahaa Qof rayid ah.

Xili uu u socdey Gurigiisa ayaa kooxo hubeysannay Luuq u galeen Xaafada New Bosaso kadibna Rasaas ku fureen, isla goobta ayuu ku geeriyoodey Marxuumku.

Marxuumku wuxuu iska uga tagay Xaas iyo Caruur

Puntlandi.com

<