Madaxweyne Deni oo la hadli doona Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu la hadlo Shacabka Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed khamiista 26 bishaan December.

Khudbada Sanadkaan ee Madaxweynaha Puntland ayaa badanaa dhici jirtay bilowga Sanadka cusub balse maadaama Soomaaliya ay kuso fool leedahay Doorashooyin wuxuu Madaxweyne Deni jeedin doonaa Khudbad gaara intaan sanadkaan dhamaan.

Sida ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay warka ku hayaan Khudbada Madaxweyne Deni wuxuu uga hadli doonaa Waxyaabihii Xukuumadiisa u suura galay mudadii ay jirtay, Amaanka iyo Horumarinta Ountland.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadli doonaa Arimaha Soomaaliya oo ay ugu horayso Doorashooyinka 2020, Dowlada Federaalka ayuu kusoo qaadan doonaa Khudbada.

Kala soco Puntlandi Khudbada oo dhameystiran.

Puntlandi.com
Garowe

<