Dowlada Federaalku ma awoodaa iney Amarto Xafiis Garowe Ana Hargeysa ku yaal, Bank Dhexe oo Amar soo saaray

Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowlada Federaalku wax awood ah uma aysan laha iney ka howlgalaan meel ka baxsan Villa Soomaaliya, Wax saameyn ahna kuma aysan laha Wadanka oo dhan, hadaan si kale u dhignana Villa Doomaaliya waxay u shaqaysaa oo qura qaab safaaradeed, oo Dalka waxay u qaabilsan tahay oo qura Arimaha Dibada.

Wareegto kasoo baxda Wasiir iska daaye Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Xafiisydooda kama howlgali karto Garowe iyo Bosaso , Madaxweyne Deni Haduu Amar kusoo rogo in Korontada laga dambiyo Dhamaan magaalooyinka Puntland isla markiiba Waa la damimayaa, sidii kale Madaxweyne Biixiga Soomaaliland, ku dhowaad lix Milyan oo Soomaali ah ayay labadaan Nin hogaanshaan.

Laakiin Reer Villa Soomaaliya amarkooda Xagee laga fulin karaa?

Bangiga Dhexe oo ah Xafiis ku dhexyaal Villa Soomaaliya waxa sameyn ah kuma laha dhaqaalaha Dalka iyo Shirkadaha Lacagaha Maamula ee Dalka, waxay maanta soo saareen Amar ay ku marayaa Xawaaladaha Soomaalida iyo Bangiyada in ay fuliyaan Amar ku saabsan Shirkada Forex.

Ogow Muqdisho waxaa ka buuxa Xafiisyo Canshuurta loogu uturoyo Al-Shabaab, Xukuumaduna ma awoodo inay amarto iska daaye iney soo hadal qaadaan, waxaana la aamin San yahay in Masuuliyiinta Dowlada ay qaarkood Canshuur siiyaan Al-shabaab ,

Hoos ka akhriso Warqada

<