Beesha Caalamka oo ka walwalsan In Al-Shabaab ay ka mid noqdaan Xildhibaanada 2020

Dowlada Federaalku waxay aaminsan tahay in Dalka ay ka dhici karto Doorasho Qof iyo Cod ah inkastoo Madaxda sare ee Dalka aysan isku waafaqsanayn soo jeedintasn , dhanka kalena Beesha Caalamku Way ka biya Diiwaan tahay Qorshaha Xukuumada inkastoo ay iyana rabaan in Doorasho ka duwan tii hore ay Dalka ka dhacdo, Sababo walwal oo ay Beesha Caalamkuvqabaan awgeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisu waxay soo Diyaarsadeen in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Cod iyo Qof ah, Arintaas Raysal wasaare Kheyre iyo kooxdiisu Way kasoo horjeedaa waxayna rabaan In qaabkii hore loo noqdo 4.5.

Sida aan Xog muhiim ah ku heyno waxay Beesha Caalamku ka walwal San yihiin in Al-Shabaab ay saameyn ku yeeshaan Doorashada cusub hadii loo noqdo qaabkii 4.5, Dhanka kalena waxay u jeedaan in Qaabka ay Xukuumadu wax u wado hada uu yahay mid aan la aqbali karin.

Beesha Caalamka waxaa ka go’an in meesha laga saaro in ay dib usoo noqdaan Sadexda Masuul ee ugu sareeya Dalka, waana mid ay ku raacsan yihiin Maamulada Tunka weyn ee Dalka ka jira.

Heshiiskii dhex maray Al-Dhabaab iyo Odoyaadha Dhaqanka ee Koonfurta Soomaaliya (Lagasoo bilaabo Koonfurta G Mudug ilaa meesha u dambeysa Koonfurta Soomaaliya)y ayaa waxay Beesha Caalamku ka shakisan yihiin iney Xildhibaano Al-Shabaab ah ay soo galaan Baarlamaanka Cusub oo ay odoyaadhu soo xulasn.maadaama Al-Shabaab ay saameyn weyn ku yeesheen Odoyaadha Dhaqanka sidaas Awgeed Beesha Caalamku aad ayay uga walwal San yihiin in loo noqdo nidaamkaas.

Qorsha Farmaajo ee Qof iyo Cod isna waxay Beesha Caalamku Aaminsan yihiin in Dad gaara (Xoogaga Wadaniyiinta) lasoo xukayo, taas badalkeeda waxay Beesha Caalamku doonayaan Qaab kale oo u dhow Qaabka Xukuumadu rabto laakiin aysan wax saameyn ah aysan ku yeelaneyn Raysal wasaaraha, Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Sida Puntlandi.com ay Xog hoose ku hayaan Beesha Caalamku waxay kaloo heysataan oo ucqarsoon Qorshe kale Plan B, waa hadii wax socon waayaane, Qorshahaasina waa in mudo kooban loo kordhiyaa Baarlamaanka iyo Aqalka Sare meeshana laga saaraa Sadexda Masuul ee ugu sareysa Dalka.

Wadatashiga u socda Beesha Caalamka iyo Maamul Goboleedyada waxay isla meel dhigeen oo Xisbiyaduba ku raaceen in aysan Dalka ka dhacayn Doorasho ku salaysan qaabka ay wax usoo Diyaariyeen Masuuliyiinta Federaalku. waxaana loo arkaa in Xukuunadu ay gabi ahaan ku fashilantay Soo diyaarinta Doorasho Xalaal ah.

Puntlandi.com
Nairobi

<