TACSI : – Allaah ha u naxariistee Marxuum Daahir Jamac Maxamed ( Daahir Muufo ) oo galabta ku geeriyooday magaalada Gothenberg ee Dalka Sweden

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHU RAAJICIIN.

GEERIDU WAA XAQ.

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo ah Isniin 23.12.2019 ku geeriyooday magaalada Gothenberg ee Dalka Sweden Marxuum Daahir Jamac Maxamed ( Daahir Muufo ).

Allaah u naxariistee Daahir Muufo ayaa ahaa Oday Somaaliyeed oo Rixin ah,laf dhabarna u ahaa Jaaliyada Puntland iyo guud ahaan mid Somaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenberg ee Dalka Sweden.

Marxuumka ayaa sidoo kale xilal kala gedisan ka soo qabtay Xukumadihii hore ee ka soo arimin jiray Dalka Somaaliyeed.

Geeridaa Naxdinta leh ee ku Timid Marxuum Daahir Jamac Maxamed ( Daahir Muufo ) awgeed waxaa halkan Tacsi ka diraaya :

Adeer Cabdullaahi Xaashi Maxamed iyo Eedo Amino Cali guure iyo dhamaan Qoyska Reer Cabdullaahi Xaashi.

Muxiyadiin Cabdi Kawis iyo dhamaan Qoyska Reer Cabdi Kawis.

Cabdikaafi Maxamed Geedi-Baabow iyo dhamaan Qoyska Reer Maxamed Xaashi Geedi-Baabow.

Maxamed Xuseen Daaniye iyo Dhamaan Qoyska Reer Xuseen Daaniye.

Cabdirashiid Aden Burburshe iyo dhamaan Qoyska Reer Aden Burburshe.

Dhamaantood iyagoo ka wada tiiraanyeysan Geeridaa Naxdinta leh ee ku Timid Marxuum Daahir Jamac Maxamed waxay Tacsi u dirayaan Dhamaan Alwaadii uu ka baxay Marxuumku ee Reer Daahir Muufo, Ehelkii iyo Asxaabtii Marxuumku in Allaah samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxayna Allaah Marxuumka uga baryayaan Naxariis iyo Dembi dhaaf.

Sidoo kale Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Puntlandi waxay Tacsi gaar ah u dirayaan Walaal Cabdi Daahir Muufo iyo dhamaan Qoyska Reer Daahir Muufo geeridaa Naxdinta leh ee maanta ku timid Adeer Daahir Jamac Maxamed( Daahir Muufo )

<