Breaking News— Gudoomiyihii Degmada Baardheere oo u Magna galay Ciidamada Itoobiya kadib markii Maduuliyiin Jubbaland ah ay Magaalada soo gaareen


Magaalada Baardheere waxaa maanta gaaray Gudoomiye Xigeenkii Cusbaa ee dhowaan ay Jubbaland u Magacawday Gobolka Gedo, Imaatinka Gudoomiyaha waxaa ka dhashay Buuq uu dhaliyey Gudoomiyihii Degmada Baardheere ee Xilka laga qaadey iyo Taageerayaashiisa oo ay weheliyaan Ciidan Sheegta iney ka tirsan yihiin Ciidanka Federaalka.

Cabdullaahi Nuur Xasan Oo ahaa Gudoomiyihii Xilka laga qaadey ee Degmada Baardheere isla markaasna ku dhawaaqay inuu taageersan yahay Dowlada Federaalka ayaa Magaalada laga saaray Galabta, wuxuuna iminka ku sugan yahay Xerada Ciidamada Itoobiya ee ku taal Duleedka Magaalada.

Masuuliyiinta cusub ee Jubbaland ayaa taageero buuxda waxay ka heleen Odoyaadha Baardheere kuwasoo si diiran usoo dhaweeyey Magacaabida Maamulka cusub.

Dowlada Federaalka oo adeegsanaysa Ciidamada Itoobiya ayaa waxay hada wadaa Abaabul ka dhan ah Maamulka cusub ee Jubbaland waxayna Abaabulayaan iney dib Magaalada ugusoo ceshaan Maamulkii hore ee Jubbaland ay Xilalka ka qaadey kuwasoo hada ku sugan Xerada Ciidamada Itoobiya.

Dowlada Jubbaland waxay 12/12,2019 ay Xilka ka qaadey Gudoomiyayaashii Baardheere iyo Luuq

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

<