Raysal wasaarihii hore Cumar Cabdirshiid oo Garowe lagusoo dhaweeyey

Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirshiid ayaa maanta wuxuu soo gaaray Puntland Isagoo kasoo duulay Nairobi.

Safarka Xildhibaanka ayaa wuxuu ku salaysan yahay wadatashi ku aadan Doorashada Soomaaliya ee soo socota tasoo hada Muran badan ka taagan yahay.

Mudane Sharmaake ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey wuxuuna sheegey inuu intuu joogo uu la kulmi doono Masuuliyiinta iyo Waxgaradka Puntland.

Puntlandi.com
Garowe

<