HADAAD RABTO IN AAD SAFIIR LAGAA DHIGO ORODOO MARKA HORE PUNTLAND WEJIGA UGA SOO KAADI

SHURUUDAHA SAFIIR LAGU NOQDO

Dowlada uu hogamiyo Farmaajo aad ayey u sahlan tahay in aad ka heshid shaqo aadan u marin dhib badan kaliya waxaa lagaa rabaa in aad fulisid shaqada laguu diro.

Waxaan horay u ogeyn in Ina camey uu jago safiirnimo ku helay markii uu ka hor yimid Madaxweynihiisii Gaas, Dhoobo daaroodna waxaa looga wacay Muqdisho waxaana loo wadaa in laga dhigi doono Safiirka Kenya halka Tarsan loo bedeli doono Eletareeya.

Safiirnimo shuruudaha lagu gaaro waa:

1- waa in aad tahay reer Puntland oo aan ka mid
aheyn sedexda calan.
2- waa in aad mucaaradaa madaxweynaha jagada
Hayo ee Puntland.
3- Hadaad sargaal ciidan tahay waa in aadan
qaadan amarka madaxdaada
4- hadii aad xuldhibaan Puntland ah tahay waa in
degaankaaga ka soo furtaa xafiis N&N oo toos
u taageera Farmaajo.
5- hadii aad oday dhaqameed tahay waa in aad
mar walba dhahdaa dowlada dhexe ayaan hoos
tagnaa
6- Hadii aad Ictisaam tahay waa in aad soo saartaa
Fadwo lagu taageerayo N&N oo dhiiga dadka
u xalaaleysa .

<