Dowlada Federaalka oo Khasab looga dhigay inay la shaqeeyaan Madaxweyne Axmed. Madoobe

Bil ka hor ayaa waxaa Magaalada Adis Ababa lagu qabtay shir looga hadlayay Maaliyada Soomaaliya Shirkaas waxaa abaabulay Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana isugu imaanayay Dhamaan Dowladaha Maamul Goboleedyada, waana xiligii uu Dagaalka xun ka dhex Aloosnaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, shirkaas waxaa lagasoo tagay in lagu casumo Wasiirka Maaliyada Jubbaland, waxaana Arintaas ka carooday Puntland waxayna Puntland yiraahdeen Shirku furmi Mayo ilaa Jubbaland la keeno, Beesha Calamka oo dhaqaalaha Shirka bixinaysay ayaa soo faragalisay waxaana aakhirkii Si deg deg ah loo doonay Jubbaland, Falkaan wuxuu qayb ka ahaa Dagaalkii Doorashada Jubbaland ee Villa Soomaaliya.

Dowlada Puntland ayaa si cad Beesha Calamka waxay ugu sheegeen in aysan Shirdambe soo fariisanayn hadii Jubbaland aysan qayb ka ahayn, sidaas ayaana Beesha Caalamku waxay Dowlada Federaalka fareen in la joojiyo Dagaalka Siyaasada ee lagu hayo Jubbaland.

Bishii hore ayaa puntland waxay soo jeedisay in Shirka Maaliyada Soomaaliya lagu qabto Kismaayo, Arintaas waxaa si cad uga soo horjeestay Villa Soomaaliya, laakiin Aakhirkii waxaa lagu guulaystay in Bishaan Decembar lagu qabto Shirka Kismaayo.

Maanta oo sabtibahb21/12,2019 ayuu ka furmay Shirkaan Kismaayo waxaana Furay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Furitaanka Shirkaan oo uu goobjoog yahay Wasiirka Maaliyada Dowlada Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Bayle wuxuu cadeeyay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu guul ka gaaray Dagaalkii kala dhexeeyey Villa Soomaaliya, wuxuuna Fariin u yahay kuwa wali Diidan Siyaasada Madaxweyne Axmed Madoobe.

Bilowgii Todobaadkaan Waxay Beesha Caalamku tageen Kismaayo si loogala tashada Madaxweyne Axmed Madoobe Doorashadii Villa Soomaaliya ay Masuulka ka ahayd ee Soomaaliya 2020, Ninkii Doorashadiisa la isku heystay ayaa wuxuu hada ka tala bixinayaa Doorashadii Guud ee Dalka, Taasina waxay muujinaysaa in Axmed Madoobe uu ka adkaadey Villa Soomaaliya.

Puntlandi.com
Kismaayo

<