Breaking News- Weerar lagu qaadey Hotelka uu deganaa Taliyaha Ciidanka XD ee Lugta, Xaafada Baraxley

Hotel ku yaal Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhaweyd weerar Qarax wata lagu qaadey, Hotelka waxaa deganaa Taliyaha Ciidanka lugta ee Dowlada Federaalka C/Xamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha Xerada 21aad Cabdicasiis Qooje.

Taliyaha iyo Saraakiisha la socota Way ka badbaadey weerarka laakiin laba kamida ilaaladooda ayaa ku nafwaayay.

Ilaa hada weerarka cidna ma aysan sheegan, waxaase loo badinayaa in Al-Shabaabbay ka dambeeyaan.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

<