Breaking News—- Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku shaandhey iyo Magacaabida cusub ku Sameynaya Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha dib loo doortey ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu soo wadaa Gole Wasiiro oo balaaran, Waxaana lagu wadaa inuu kasoo gaarsiiyo intaan Sanadku dhamaan.

Ilo Wareedyo u waramay Warbaahinta Puntlandi.com ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Jubbaland ee Madaxweynuhu uu soo wado ay ku jiri doonaan Wajiyo cusub halka Wasiirada hada jooga ay qaarkood waayi doonaan Shaqadooda, qaarna Wasaaradaha ayaa la isugu badalayaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ilaa isniinta soo gabagabeynayaa Wada tashiga Xukuumada cusub inkastoo badankoodu ay diyaar yihiin.

Puntlandi.com
Kismaayo

<