Sawiro— Madaxweynaha Jubbaland oo shir gudoomiyey Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland

Shirkii Khamiislaha ahaa ee ay yeelan jireen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa maanta shir gudoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe oo Warbixin dhowra u gudbiyey Golihiisa Wasiirada.

Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay Safarkiisii Kenya oo ku macneeyey mid uu kasoo hoyiyay guul la taagan karo , wuxuuna sheegay inay suura gashay dhamaan howlihii uu u tagay.

Kulankii doraad Kismaayo ku dhex maray isaga iyo Beesha Caalamka ayuu iyana soo hadal qaadey wuxuuna sheegay in Jubbaland iyo Saaxiibada Soomaaliya ay ka wada hadleen Doorashada Soomaaliya ee 2020.

Wasiirada qaar ayaa iyana sidii caadada ahayd soo gudbiyey warbixin ku aadan waxqabadkoodii Todobaadkaan iyo Ajandahooda Todobaadka Soo socda.

Sawirada hoos ka daawo

<