Madasha Xisbiyada Qaran oo ku dhawaaqay inuu burburay Heshiiskii ay la galeen Madaxweyne Farmaajo

Madasha ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah Xisbiyada Dalka oo horay ula gashay heshiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta dhaca ka qaadey in Heshiiskaas uu birburiyey Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaashii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh oo hor kacaya Madashaan ayaa bishii hore waxay hishiis hordhac ah la galeen Madaxweyne Farmaajo si loo dhameeyo Khilaafka Madaxda Dalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka balse hada Heshiiskaas wuu burburay sida ay cadeeyeen Madasha Xisbiyada Qaran.

Madashu waxay sheegeen in Madaxweynuhu uu diiday inuu fuliyo qodobadii lagu heshiiyey wuxuuna ka warwareegay inuu Bulshada u sheego dhankiisa wixui lagu heshiiyey.

Waxay kaloo sheegeen in Tacadiyadii laga heshiiyey kuwa kamida ah ay Xukuumadu ku kaldeybiyadoon xaqdhowreen Xoriyada Hadalka.

Burburka Heshiiskaan wuxuu kusoo aadayaa xili aBerdha Caalamku cadaadis xoogan ay ku hayaan Madaxda ugu sareysa Dalka si loo wada diyaariyo Doorasho loo dhan yahay.

Arintaan waxay kaloo carqabad ku noqonaysaa in Xukuumadu ay soo diyaariso Qorshe Doorasho oo ay wada aqbalaan Xisbiyada iyo Maamul Goboleedyadu.

Xisbiga wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horay u diidey Inuu qayb ka noqdo kulankii Madaxweynaha iyo Xisbiyada kulankaasoo wixii kasoo baxay ay hada soo Baxdey inuusan Madaxweynuhu fulin, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur wuu horay ayuuna uga digay Kulankaas.

Puntlandi.com
Muqdisho

<