Howlgalada ka socda Bosaso oo wali aan guul laga gaarin

Inkastoo Ciidanka Amaanka Puntland ay maanta fashiliyiin Waxyaabo Qaraxa oo Aargada agteeda lagu xiray hadana waxay Tani muujineysaa UN Amaanka Magaalada uusan wali sugneyn.

Waxyaabaha Qaraxa ee maanta la fashilyey waa kuwo aad u weyn oo Qof iyo labo toona aysan kusoo dhexvqarin Karin Bulshada dhexdeeda, wuxuu ahaa mid abaabulan oo gaadiid loo adeegsadey in lagusoo xamaalo, mana ahayn wax qarsoomi kara.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Magaalada ku sugnaa Ciidan badan oo howlgalo lagu sugayo Amaanka ka dhex waydey Magaalada ilaa hadana Cidna kamasoo qaban.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Magaalada dhexdeeda lagu dhex tooganayay Ciidanka iyo Shacabka, Tani waxay muujineysaa in la gaaray xiligii ay Xukuumadu Qorshe weyn usoo dejin lahayd Sugida Amniga Bosaso.

Maamulka Gobolka iyo kan Degmada oo qayb ka ah laamaha Amniga Bosaso wali si waafi ah ugama hadlin Qorshohooda Amaan ee ku aadan Bosaso.

WasaaradacAmniga iyo tan Arimaha Gudigu iyaguna wax Qorshe ah Lama imaan aan ka ahayn Ciidan Magaalada lagusoo daadsho markii wax dhacaan, maalmo kadibna Nin walbaa xeradiisuu ku laabtaa sidaas badana la isaga ilaawaa.

Amaanka Bosaso wuxuu u baahan yahay Qorshe Adag oo baaxad weyn oo qorta ka jara Argagixisada iyo kuwa gacanta siiya, waxaa taas lagu gaari karaa in la helo sharci Adag oo Argagixisada uun qusaya kasoo awood buuxda Sunaya laamaha Amaanka iyo maxkamadaha.

Puntlandi.com
Bosaso

<