Axmed Madoobe Beesha Caalamku ma aqoonsana ha iga harto, Sawiro


Wafdigii Balaaraa ee maanta tagay Kismaayo oo uu hogaaminayay Wrgayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan ayna ka mid ahaayeen EU iyo AU ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa dhiiri galinta iyo in meesha kaga saaro mugdigii ku jiray Wada shaqaynta Beesha Caalamka iyo Maamulka Jubbaland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha mar kale la doortay Axmed Madoobe.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay shalay shaaciyeen Beesha Caalamku waxay quus ka taagan tahay in Dowlada Federaalka laga sugo hanaan Doorasho oo miis isugu keenaya Saamilayda Siyaasadeed, Sidaas awgeed waxay Beesha Caalamku go’aansadeen iney Wada tashi u aadaan Maamul Goboleedyada Rasmiga ah iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya si mowqif Doorasho loo wada gaara, ayna dhagaystaan Qolo walba qaabkay isleedahay qaabkaasaa ku haboon Doorashada .

Kulanka maanta Kismaayo ku dhex maray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka waxaa diirada lagu saaray mowqifkooda Jubbaland ee Doorashada 2020 Soomaaliya ka dhacaysa.

Jubbaland waxay hoosta ka xariiqdey in Qorshaha Qof iyo Cod uu yahay riyo, aysana xiligaan Dalka ka dhici Karin Doorasho noocaas.

Sida Warbaahinta Puntlandi.com ay Xog ku heyso Jubbaland waxay sheegtay in Si deg deg sh loo qabto Shir Qaran si wado loogu jeexo mudada yar ee Harsan, Waxaana fikirkaan Jubbaland lawadaaga Puntland iyo Xisbiyada Waaweyn.

Kulanka xiga ee Wada tashiga Beesha Caalamku wuxuu ka dhacayaa Garowe.

Puntlandi.com
Kismaayo

<