Daawo : – Suldaanka Beesha Reer Sakariye ee Axmed Harti ( Dashiishe ), Suldaan Cabdixamiid Cali Hiirad oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaaso

Waxaa maanta si aad u weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaaso Suldaanka Beesha Reer Sakariye ee Axmed Harti ( Dashiishe ) Suldaan Cabdixamiid Cali Hiirad ( Cawaale ).

Soo dhaweynta Suldaan Cawaale oo aheyd mid si balaaran oo kala har laheyn loogu soo dhaweeyey Caasimada Ganacsiga ee Puntland ee Bosaaso- Daaqa ayaa waxaa ka qeyb qaatay masuuliyiin sare sare oo ka tirsan Xukuumada Puntland,madax ka tirsan maamulka Gobolka Bari iyo midka magaalada Bosaaso,Isimo,Culimo iyo Dadweyne aad u badan oo ka kala socday qeybaha kala gedisan ee uu ka kooban yahay shacbiga ku dhaqan magaalada Bosaaso.

Isimada iyo Masuuliyintii ka qeyb gashay soo dhaweynta Suldaanka oo munaasibada ka hadalay ayaa aad ugu dheeraday Taariikhada Saldanda Beesha Reer Sakariye iyo mid qoyska Reer Cali Hiirad oo Taariikh fac weyn ku leh guud ahaan degaanada Puntland iyo gaar ahaan Gobolka Bari iyo magaalada Bosaaso, iyagoo Suldaanka Allaah uga baryey inuu xilka ku asturo.

Ugu danbeyntii waxaa halkaa hadal kooban oo mahadnaq iyo duco ah ka jeediyey Suldaan Cabdixamiid Cali Hiirad ( Cawaale ),

Halkan ka daawo soo dhaweyntii Suldaan Cabdixamiid Cali Hiirad

<