Itoobiya oo gabi ahaan Ciidankeda kasoo raraysa Xuduuda Eritrea, Xagee losoo rarayaa

Dowlada Itoobiya ayaa shacisay in ay kasoo rarayso Ciidamadeeda Xuduuda Itoobiya iyo Eritrea kadib 20 sano oo ay halkaas ku sugnaayeen.

“Wuu dhamaaday Dagaalkii, Labada Dal waxay wada gaareen Heshiis rasmi ah, baqdin iyo Dagaal dambe oo dhexmarayana ma jiro” Waxaa sidaas yiri General Asrat Denero oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

Dagaalkii lacada Dal ka dhex qarxay sanadkii 1998 wuxuu galaaftay ku dhowaad 80,000 oo Qof, wuxuu dagaalku joogaadey Sanadkii 2000, Balse sanadkaan ayaa labada Dal ay wadagaareen Heshiis rasmi ah.

“Ma ay jirto sabab ay usii joogaan Ciidan kayagu Xuduuda, Waxaan geynaynas meel kale oo looga baahan yahay” General Asrat Denero ayaa intaas raaciyey.

Ilaa hada Itoobiya ma aysan shaacin meesha la geynayo Ciidamada Xuduuda Eritrea lagsoo rarayo, waxaase loobadinayaa ineysan meesha kamarayn in Ciidamadaan la geeyo Koonfurta Soomaaliya.

Puntlandi.com
Adis Ababa

<