Beesha Caalamka oo ku Jaha wareersan Qorshaha Doorashada isla markaasna kulamo la leh Saami leyda, kulanka u dambeeyeyna la qaadaneysa Puntland

Deeq bixiyaasha saameynta ku leh Arimaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu Jaha wareersan sida ay Macquul u noqonayso Doorashada Soomaaliya 2020,Maadaama ay u muuqata iney Xukuumada Federaalku ay ku fashilantay iney soo Diyaariso Nidaam la isku raacsan yahay oo Doorasho uga dhici karto Soomaaliya.

Dublamaasiyiin ku sugan Nairobi oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warbaahinta Puntlandi.com ayaa noo cadeeyay in Beesha Caalamku aynulamo la qaateen qaybo kamid ah Saamilayda Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna Beesha Caalamku aad uga walwal San yihiin Doorashada Soomaaliya.

Beesha Caalamka oo Dowlada Ingiriisku u horayso waxay wada tashi la yeesheen Qaar kamid ah Maamul Goboleedyada iyo Diyaasiyiinta Mucaaradka, kulanka u dambeeyana waxay dhowaan la yeelanayaan Garowe, si loo diyaariyo Qorshe deg deg ah oo lagu badbaadinayo Doorashada (Plan B), kulanka Puntland iyo Beesha Caalamkuna wuxuu dhici doonaa dhowaan.

Dhinaca kale Beesha Caalamku waxay aad uga walwal santahay in Maamul Goboleedyada qaarkood aysan lahayn awood ay si iskood ah amaba aysan u madaxbanaaneyn mowqifkooda Doorashada, maamuladaasina waa Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, LAAKKIIN taas badalkeeda waxay Beesha Caalamku go’aan sadeen in ay wada tashi la yeeshaan Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta Hogaamiya Xisbiyada, badankoodana Way la kulmeen oo waxaa harsan oo qura Puntland.

Dubalamaasiyiinta la hadlay Puntlandi.com waxay xaqiijiyeen in Qorshaha ay Xukuumadu soo diyaarisay uu yahay mid lagu Jaha wareersan yahay oo aan horseedi Karin Doorasho 2020 ka.

Kulanka dhexmari doona Puntland iyo Beesha Caalamku wuxuu muhiim u yahay Qorshaha lagu badbaadinayo Doorashada.

“Xukuumadu waxay doonayaa oo wali ku hamiyaysaa in Wakhtiga loo kordhiyey Taasina ma ahan mid ka gadmeysa Mucaaradka iyo Beesha Caalamka, Hindisaha doorashada ee hada horyaal Baarlamaanka waa mid lagu raad gadanayo oo ay doonayaan in Wakhtiga yar ee harsan lagu mashquuliyo Dalka, si Wakhtiga loo kororsado,” waxaa sidaas yiri Siyaasi ku sugan Nairobi.

Puntlandi.com
Nairobi
A

<