Maqnaanshaga Madaxweyne Deni oo ay u baaqeen kulano muhiim u ahaa Siyaasada Soomaaliya

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo Dalka ka maqnaa mudo Sadex todobaad ku dhow ayaa waxay maqnaanshihiisu sabab u ahaayeen iney baaqdaan kulamo dhex Mari lahaa Xisbiyada iyo Maamul Goboleedyada .

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay xogta ku heyso Waxaa hada socdo Qorshahaan dib loogusoo noolaybayo in ay dhacaan kulano deg deg ah oo laga yeelanayo Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha Xisbiyada ayaa waxay wadaan Kulan laba geesooda oo dhex Mari doona Madaxweyne Deni iyo Qaar kamida Xisbiyada iyadoo Ajandihiisa ugu weyn uu noqon doono Doorashada Soomaaliya ee sanadka dambe.

kulanka ugu horeeya wuxuu ka dhici doonaa Garowe inkastoo aan wali la cayimin Wakhtiga kulanka balse waxaa socda qaban qaabada Kulankaan.

Puntlandi.com
Garowe

<