Madasha Xisbiyada oo ka hotærtimid Hundisaha Hay’adaha aan Dowliga ahayn oo Xukuumadu meel marisay


Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay isagoo ku hadlaya afka Madasha ay ku mideysan yihiin Qaar kamida Xisbiyada Qaran ayuu wuxuu sheegay in Hindisaha Ama Sharciga ku saabsan Hay’adaha aan Dowliga ahayn ee Xukuumadu ay ansixisay uu khatar ku yahay midnimdada iyo dib u heshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Fiqi wuxuu hoosta ka Xariiqay in Madasha Xisbiyada Qaran ay kasoohorjeedo Sharcigaan isla markaasna wuxuu Golaha Baarlamaanka ka codsadey inaan Baarlamaanka la keenin hindisahaan.

Fiqi wuxuu yiri “Sharcigaan wuxuu awood siinayo Wasiirka Qorsheynta, waan la wada soconaa in La hor istaagay Mashaariic ku socotay Soomaaliland, waan la soconaa wixii lagu sameeyey Xoolihii ka dhoofay Berbera, waan lacwada soconaa qaabkii qaldanaa ee loo isticmaalay Hay’ada Socdaalka, Cunaqabatayntii dhanka Hawada ee lagusoo fogayn Jubbaland, Waxaan xasuusinaynas Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka Cawaaqiib xumada ay leedahay hadii Awooda loo gacan galiyo Shaqsi ama koox gaara”.

Golaha Wasiirada Federaalka ayaa Khamiistii waxay meel mariyeen Sharciga Hay’adaha aan Dowliga ahay, Waana Sharciga ay Xisbiyada Mucaaradku ay ka dhigayaan in la hor keeno Baarlamaanka, waxayna Sharcigaan ku tilmaameen inuu yahay nasiibo looga gol leeyahay in lagu fushado dano gaara.

Puntlandi.com
Muqdisho

<