Daawo Sawiro Madaxda Puntland oo Caawa ka qayb galay Xaflada Daahfurka Qorshaha Gudiga Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Dowlad Puntland Saciid Cabdullaahi eni, Madaxweyne Xigeenka Puntland Axmed Cusmaan karaash iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yusuf Jabril ayaa caawa ka qayb galaya Xaflad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Doorashada Puntland.

Gudigu waxay caawa soo bandhigayaan mudadii yarayd ee ay jireen waxyaabaha u qabsoomay iyo Qorshahooda soo socda.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu jeediyo khudbad balaaran oo ku saabsan Safarkiisii Dubai iyo Adis Ababa, waxaa kaloo laguwadaa inuu Madaxweynuhu uu ka hadlo Siyaasada Soomaaliya.

Galabta ayaa Warbaahinta Puntlandi.com waxay heshay warar hordhac ah oo ku aadan In Puntland ay ka biya diidan tahay Hindisaha Doorashada ee Xukuumada Federaalku ay u gudbisay Baarlamaanka.

Puntlandi.com
Garowe

<