Breaking News— Reer Cadaado oo sheegay in aan loo dhameyn Heshiiska Galmudug

Kadib markii ay Xukuumada Federaalku ay Shaaciyeen in Heshiis laga gaaray Khilaafkii Maamul u Dhisida Galmudug ayaa waxaa durba Arinta ka hadlay qaar kamid ah Beelaha ugu tunka weyn deegaanadaan kuwasoo cadeeyey ineysan qayb ka ahaan wax heshiis ah oo lawada gaaray.

Beelaha Dega Cadaado ayaa waxay maanta sheegeen in aan iyaga lagala tashan heshiiska uu shaaciyey Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka, Heshiisyadii dhex maray Ehlu Suna iyo Xukuumada Federaalka.
Mid kamida Odoyaadha Dhaqanka ee Reer Cadaado ayaa wuxuu maanta sheegay in Heshiiskaan uusan ka dhigneyn in Heshiis Guud lawada gaaray,wuxuu kaloo sheegay in Heshiuskaan uu dhexmaray oo qura Xukuumada iyo Ehlu Suna.

Reer Cadaado waxay tabanayaan in Siyaasada Galmudug la afduubay oo Beelo gaara looxaglinayo oo loo sadburinayi, iyadoo Beelihii kale la Garab marayo.

Beelaha dega Koonfurta Gobolka Mudug oo dhaqan u lahaa hogaaminta Galmudug ayaa iyana u muuqda kuwo laga tashadaa islamarkaasna aan waxba laga waydiineyn Howlaha hada socda.

Puntlandi.com
Cadaado

<