Breaking News- Puntland oo Qoraal kasoo saaraysa Sharciga Doorashooyinka ee Xukuumadu u Gudbisay Baarlamaanka

Hindisaha Doorashada 2020 ee horyaal Baarlamaanka ayaa waxaa horay uga digay Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xisbiga Wadajir, hadana waxaa kasoo hor jeestay Maamul Goboleedyada.

Dowlada Puntland ayaa diidan Qorshahaan ay Xukuumadu doonayso in Doorashada loo galo.

Maalmaha soo socda ayaa Puntland ay ka hadlaysaa mowqifkooda, sida ay xogta ku hayaan Puntlandi.com.

Hindisaha Doorashada ee Xukuumadu ay soo gudbisay waxay tilmaamayaa in Dalka ay ka dhacayso Doorasho Qof iyoCod ah, Arintaasna waxay Siyaasiyiin badan ku tilmaameen iney tahay riyo aan Macquul ahayn.

Jubbaland ayaa iyana kasoo hor jeeda Hindisahaan inkastoo aysan wali war rasmi ah aysan kasoo saarin.

Puntlandi.com
Garowe

<