Tababar usoo xirmay Saraakiisha iyo Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso

Shalay oo Talaado ahayd waxaa Tababar u soo xirmay Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Bosaso, Tababarkuna wuxuu ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Siminaarka ayaa diirada lagu saaray qaabka loo ogaato Passporada iyo Waraaqaha foojariga ah, Qalabka casriga ah ee loo isticmaalo xaqiijinaya Passpoarka iyo Visaha rasmiga ah iyo kan aan rasmiga ahayn,qaabka ay u wada shaqeeyaan Hay’adaha Socdaalka Aduunka, Laamaha Amniga Garoomada Diyaaradaha.

Saraakiisha ugu saraysa Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo ka qayb qaatay Siminaarka ayaa waxay sheegeen in ay muhiim tahay in Shaqaalaha Garoonka tayadooda sare loo qaado iyagoo gudanaya Shaqadooda (Human Resource).
Sawirada hoos ka daawo, waxaa nasoo gaarsiiyey Xasan Yare

<