Faahfaahin— Askar lagu weeraray Gudaha Bosaso

Waxaad hada moodaa in Urur Diimeed Diidan loo yaqaan Daacish iney badalkeeda qaabkii ay ula dagaalami jireen Ciidanka Iyo Shacabka Puntland, Waxay bilaabeen weeraro gaadmo ah oo ay ka fulinayaan Gudaha Magaalada Bosaso.

Weerarkii Axadii ay ku qaadeen Askar ku sugneyd Bosaso ayaa waxaa xigtay Weerar maanta lagu qaadey Askari marayay meel Suuq ah Gudaha Bosaso.
Askariga ayaa Rasaas loogasoo ridey meel aan saas uga fogayn meeshii taagnas,Rasaastaas oo ku geeriyoodey Qaf rayid ah.

Askariga lasoo weerarar oo ka tirsanaaWaaxda Canshuuraha wuxuu durbaiska difaacay weerarka nasiibdaro kooxdii weerarka geysatay Way ka carareen Goobtii.

Maamulka Laamaha Amaanka Gobolku iyo Wasaarada Amniga Puntland wali kama aysan hadlin falkaan, hadal la’aantioduna waxay muujineysaa ineysanba jirin Qorshe ama dareen ku aadaan qaab dagaaleedkaan cusub ee Argagixisada ay waxyeelaynayso Shacabka Maalin walba.

Dhowr Qof oo Reer Bosaso ah ayaa Puntlandi.con u sheegay iney dareemayaa Amaan xumo iyo baqdin xiliyada ay lugaynayaan Gudaha Magaalada, waxayna ku maahmaaheen “Bosaso maanta waxay maraysaa DAGAAL GONDAHAAGUU KA DHALAN KARAA” tasoovay ula jeedaan in xili walba la filan karo in Xabada la isku waydaarsado Wadooyinka iyo suuqyada.

Puntlandi.com
Bosaso

<