Baarlamaanka PL oo cod u qaadey Sadex dii Wodob ee e dambeyey Ajandayaashii Kalfadhiga Baarlamaanka

Baarlamaanka Puntland ayaa soo gabagabeeyey kalfadhiyadiisii sanadkaan iyagoo kusoo gunaanadey Sadex Qodob oo xasaasi ahaa kuwasoo ka doodidoodu Wafti la sugayay.

Qodobadaan ayaa ahaa La xisaabtanka Xukuumada, Heshiisyadii ay Xukuumadu soo gashay iyo Deegaanada Puntland qaarkood qodob ku saabsanaa, Sadexdaan Qodob waxay Baarlamaanku isku raaceen in aysan xiligaan muhiim ahayn in wakhti lagu lumiyo amaba aysan jirin sabab Baarlamaanku uga doodo, taasoo macneheedu yahay in Baarlamaanku ay ku qanacsan yihiin qaabka ay Xukuumadu umaaraysay Qodobadaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yusuf Jabril ayaa ku dhawaaqay in Baarlamaanku uu fasax yahay ilaa bartamaha Janaayo sanadkaan soo socda 2020.

Puntlandi.com
Garowe

<