Weerarkii Hotel SYL oo Dowlada Federaalku amartay inaan la baahin tiradavRasmiga ah ee khasaaraha

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Xukuumada Federaalku ay Amar kubixisay in aan la baahin tirada rasmiga ah Khasaarihii ka dhashay Weerarkii shalay lagu qaadey Hotel SYL.

Lama oga sababta ay Xukuumadu ay isugu dayayso inaan la baahin khasaaraha iyo Siyaasada ka dambeysa. Wariyayaasha ayaa loo diiday in ay helaan macluumaadka ku saabsan weerarka.

Warar waxaa jira sheegaya in nimanka is qarxiyey midkood uu ka mid ahaa Ciidamadii tababarka loogu diray Dalka dibadiisa, inkastoo aan la shaacin Wadanka uu tababarka kusoo qaatay.

Wararka ay Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in dhimashadu ay gaarayso 23 Qof.

Puntlandi.com

<