Korneyl Mohamud Ismail Warsame (Muuf) Iyo Liibaab Ali Nuur alle ha u naxariistee waxay durba ku Carsten Hotel SyL si ay Dadka u badbaadshaan

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa wax badan ka ogaatay laba shaqsi oo shalay ku geeriyooday weerarkii Argagixisada ay ku qaaday Hotel SYl.

Korneyl Mohamud Ismail Warsame (Muuf)iyo Liibaan cali Nuur waxay xiliga weerarku dhacayay ay ku sugnaayeen meel aan saas uga fogayn Hotel SYL , Waxay labaduba ka tirsanaayeen Ciidanka Dowlada Federaalka , Askar kale oo badan ayaa iyana la joogay laakiin labadoodu markay maqleen Weerarka Hotelka ka socda waxay durba Boonen Qalabkoodii Ciidanka waxayna u ordren Hotelka.

Mudo kooban ayay la dagaalamayren Maleeshiyaadkii Hotelka Soo weeraray waxayna suura galiyeen in ugu yaraan 30 Qof ay kasoo badbaadshaan Hotelka.

Alaha u naxariistee Liiban Cali Nuur oo ahaa Askari Dhalinyaro ah Xabad ayaa haleeshay isagoo Difaacaya Shacabka oo kasoo badbaadinaya Hotelka, isla goobtii syuunan ku geeriyooday.

Korneyl Mohamud Ismail Warsame (Muuf) wuxuu ahaa Nin caan ka ah VillaSoomaaliya, waxbadan ayuu kasoo shaqaynayay Amaanka Xafiisyada Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha, lagasoo bilaabo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf euxuu ka tirsanaa Ciidanka Madaxtooyada oo uu jago sare ka gaaray.

Wuxuu ahaa Gurmadkiibugu horeeyey ee shalay soo gaaray Hotelka, Dad aad u badan suuumaay kasoo badbaadiyey Hotelka.

Alla ha u naxariistee Korneyl Muuf wuxuu u geeriyooday Dhawac kasoo gaaray weerarka, wuxuuna in mudo ah oo saacad ku dhow uu halgan ugu jiray inuu Argagixisada uu kadaawo Hotelka ilaa uu aakhirkii ku waayay naftiisa isagoo halgan ku jira.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu u dhawacmay laakiin waxaa la xaqiijiyey inuu sii dagaalamayay isagoo dhawac ah si uu usoo badbaadiyey Qof Dumar ah oo Qol ku xayirnayd, Wayna u suura gashay inuu soo badbaadiyo, laakiin uma suura galin inuu naftiisa badbaadiyo, waxaa mar kale soo gaaray dhawaca uu u geeriyooday.

Tirsda rasmiga ah ee ku geeriyootay weerarkaan ilaa hada Lama hayo waxaase naloo xaqiijiyey in 24 Qof geeriyoodeen.

Puntlandi.com
Muqdisho

<