Breaking News- Al-Shabaab oo Gudaha u galay Xerada Ciidanka Hiileryne

Al-shabaab ayaa caawa fiidkii waxay weerar gaadmo ah oo qarax iyo Rasaas ah ay ku qaadeen Xerada Ciidamada Hiilweyne oo ku taal Duleedka Magaalada Balcad.

Warar hordhac ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen mid kamida Ehelada Askari kasoo badbaadey weeararka oo khadka Teleefoonka lagula hadlay wuxuu sheegay in ugu yaraan 7 Askari uu isagu arkay Meydkooda, laakiin khasaaruhu uu intaas ka badan yahay.

Wali war rasmi ah lagama hayo waayo xiliga weerarkii dhacay waxay ahayd xili Habeyn ah dhulkana waa qoyanyahay oo Roobab ayaa maalmo ka hor ku hooray.

Dadka Deegaanka ka agdhow Xerada waxay sheegeen in Rasaas xoogan ay ilaa hada ka dhacayso Xerada , Gaadiid Ciidan ayaa iyana gubtay.

Majoraan wax gurmad ah oo ay heleen Ciidanka lasoo weeraray.

Puntlandi.com
Muqdisho

<