Dagaal mar kale ka dhex Qaraxay Beelo Nawaaxiga Afbarwaaqo

Deegaanka Afbarwaaqo ooka tirsan Deegaanada Puntland waxaa todobaadkii hore ka dhacay Dagaal Beeleed kasoo maanta oo isniin ah mar kale dib usoo laabtay.

Maleeshiyo Beeleed kasoo jeeda Galmudug ayaa saaka waxay weerar kusoo qaadeen Dad Reer miyi ah oo iyagu ruuxoodu hubeysnas heegana ugu jiray inay iska difaacaan hadii lasoo weeraro,maadaama Xaalad Colaadeed ay ka jirtay Deegaanka.

Wariyaha Puntlandi.com ee Gobolka Mudug wuxuu kusoo Waramayaa in khasaaraha ka dhashay Dagaalkii saaka uu gaarayo 4 Dhimasho ah, ilaa hadana Dagaalku wuu socdaa.

Afbarwaaqo Waxay ja tirsan tahay Degmada Towfiiq.

Dowlada Puntland wali war cad kamasoo saarin Dagaal Beeleedkaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandi.com

<