Daawo : – Sheekh Xassan Xasaan oo sheegay in Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur lagu cayrsanaayo Siyaasad iyo Qabiil

Wadaadka Somaaliyeed ee lagu magacaabo Sheekh Xassan Xasaan ee fadhigiisi yahay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Umadda Somaaliyeed uga digay dhagarta ay maleegayaan kuwa sheeganya in ay Diinta difaacayaan.

Sheekha oo ka hadlaayey dulaanka la isu baheystay ee lagu qaaday Siyaasiga Somaaliyeed,isla markaana ah Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ninkaasi lagu cayrsanaayo Qabiil iyo cadaawad Siyaasadeed oo loo qabo.

Sheekha ayaa xusay in eeda loo xambaariyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah Xadiis buu inkiray ay ka weyntahay khaladaadka uu ku hadlay Sheekh Cali Wajiis, kaas oo si cad u sheegay in aan Kitaabka Alle loo soo dejin in Dawlad iyo Umaddo lagu dhaqo.

Sheekha ayaa la yaabay sababta Culumada KooxdaAl-Ictisaam ( Ex-Alitixaad ) ay uga aamusan yihiin khaldaadka waaweyn ee uu ku hadalay Sheekh Cali Wajiis,isla markaana ay u cayrsanayaan Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Halkan ka dhageyso Hadalkii Sheekh Xassan Xasan

<