Faahfaahin Roobabka ku hooray Bariga Puntland , Nugaal iyo Mudug

Roobab kii shalay ilaa Xalay ku hooray Deegaanada Puntland oo watay Dabaylo xoogan ayaa ilaa hada geysan khasaare nafeed walow ay jiraan khasaare maal oo uu geystay.

Roobabka ayaa waxay saameyn wayn ku yeesheen Kalumaysiga iyo isusocodka Gaadiidka , Dabaylaha xoogan oo roobku watay ayaa Bada kiciyey, Hirar aad u xoogan ayaana ka dhashay, Deegaanka Ceelaayo ee Gobolka Sanaag waxaa jira Doonyo Kaluumaysi oo lagasoo badbaadiyey, warar waxaa jira sheegaya in Laba Doonyood la waysan yahay.

Magaalada Bosaso saameyn xoogan ayuu ku yeeshay Roobku waxaa shalay ilaa Xalay xanibnaa isusocdka Gaadiidka.

Xalay Roobku wuxuu usoo wareegay Xeebaha Gugaal iyo Mudug

Degmooyinka Xeebaha ku yaal ee Eyl ilaa Garacad waxaa Xalay ku dhuftay Roob xoogan Oo meelaha qaar watay Dabaylo xoogan, Roobku wuxuu gaarsiisan yahay ilaa Garowe walow uu xooiidu jiro Dhul Xeebeedka.

Khasaare nafeed ilaa hada kamasoo warin.

Hay’adaha Gurmadka Iyo Ciidamada Puntland waxaa lagaliyey Heegan, Shacabkuna waxaa loogu baaqay inay iska war hayaan ayna ka fogaadaan Dhul Xeebeedka iyo Togoga biyaha.

Puntlandi.com
Garowe

<