Breaking News— Dowlada Federaalka Oo diiday codsi ka yimid Mukhtaar Roobow

Warar Rasmi oo Howlwadeenada Puntlandi.com ay kasoo xigtay Qoyska Mukhtaar Roobow oo shalay ku soo booqdey halka uu ku xiran yahay waxay sheegeen in Nukhtaar Roobow ay Dowlada Federaalku u diiday Codsi Qoraal iyo hadal ahaan uu ugu gudbiyey Dowlada.

Mukhtaar Roobow wuxuu Qoyskiisa u sheegay inuu Jamcadii ka Codsadey Dowlada in loo ogolaado inuu isticmaalo Mobil iyo Ipad hadiyad ahaan ay Qoyskiisa ugu keeneen, Qalabkasoo ay ka hayaan Ciidamada Asluubtu.

Shaqsiga la hadley Warbaahinta Puntlandi.com wuxuu noo sheegay in Mukhtaar Roobow dhowr jeer oo hore uu isku dayay in uu xor u ahaado Isticmaalka Internetka si uu ula socdo Caalamka, laakiin waa loo diidey.

Hadalka kasoo yeeray Qoyska Mukhtaar Roobow ayaa kusoo aadaya xili uu Baraha Bulshada uu qabsadey Wadaadka sidiisoo kale u xiran Xasan Daahir Aweys.

Mukhtaar Roobow waxaa Xabsiga u taxaabay Ciidamada Itoobiya bishii Decembar 2018-kii xili uu u loolamayay Madaxweynanimada Koonfur Galbeed, ujeedka loo xiray waxaa lagu macneeyey in uu ahaa Gogol xaaris, ay Dowlada Federaalku ugu gogol xaarasay in Madaxweynaha hada Hogaansha Koonfur Galbeed uu si fudud ugu guuleysto Hogaanka Koonfur Galbeed.

Puntlandi.com
Muqdisho

<