Faahfaahin — Dagaal Beeleedka ka dhacay Deegaanka Galmudug oo dhimashadu gaartay 16 Qof

Deegaan hoos taga Maamulka Galmudug iyo Puntland ayaa shalay waxaa ka dhacay Dagaal Beeleed kasoo khasaare geystay gaaraysa 16 nafood.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Afbarwaaqo oo ka tirsan Maamulka Puntland, Dadka Dagaalka dhex maray ayaa waxay kasoo kala jeedaan Galmudug iyo Puntland, Waana meesha lagasoo doorto Gudoomiye Xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Mahad Cawad.

Khasaaraha oo gaaraya 16 dhimasho ah ayaa khasaaraha ugu badan wuxuu ka dhashay gaari ay Maleeshiyaad saaraayeen oo Rasaas lagu furmay , 14 ka mid ah Dadka dhintay waxay kasoo jeedaan Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo.

Goobta Dagaalka ka dhacay waxay Gaalkacyo u jirtaa qiyaastii 167 KM waana Koonfur Bari Gaalkacyo.

Odayaasha Degmada Towfiiq ayaa waxay ku baaqeen in si deg deg ah loo dajiyo xaaladaxwaxayna Xiriir ay la sameeyeen Odoyaadha Deegaanka Afbarwaaqo ayaa labada dhinac ee dagaalamay waxay ugu baaqeen in degdeg loo joojiyo Dagaalka waan waana la bilaabo.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<