Wasiirka Warfaafinta DF “Xasan Daahir Aweys xaq ayuu u leeyahay inuu diintiisa Difaaco)

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Ederaalka Cabdi Xayir Maareeye oo ka jawaabayay Eedeyntii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey in Villa Soomaaliya ay u saamaxday Xasan Daahir Aweys inuu U hanjabo.

Maarayso wuxuu sheegay in Xasan daahir uu Xabsi Guri ku jiro uuna awoodo inuu Teleefoonkiidawax ku duubo kadibna uu Hawada galiyo, wuxuu Maareeye yiri isagoo difaacaya Xukuumada “ Xasan Daahir xaq ayuu u leeyahay inuu Diintiisa Difaaco hadii lasoo weeraro”.

Maareeye wuxuu kaloo sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Arinta uu ka hadley ay tahay Dii ayna isheystaan Wadaada sidaas awgeed aysan Xukuumada wax shaqo ah ku lahayn, Wuxuuna ugu baaqay inuu kala xaajaado Culimada.

Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu u muuqda in Xukuumada cadaadis badan uga yimid Hadalkii Xasan Daahir Aweys uu ku weeraray Siyaasi Cabdiraxmaan CC.

Puntlandi.com
Muqdisho

<